DHAGEYSO:Maxkmadda sare oo ciidamada fartay inay sare uqaadaan dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaaliya Baashe Axmed Yusuf ayaa xarigga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay waaxda dambi baarista booliska Soomaaliyeed ee CID.
Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,Xeer ilaaliyaha Qaranka,Taliyaha Booliska iyo Saraakiil kale waxayna sheegeen inay Waajib tahay qaadista Tallaabooyin looga hortagayo waxyaabo hadda ku cusub Soomaaliya oo dhaqamo aad u xun.
Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Maxamed Xijaar ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada Waaxdaan barista dambiyada Fare ay leedahay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxmuud ayaa dhankiisa sheegay inay waaxdaan Kaalin weyn ka qaadan karto fududaynta sidii danbiilaha Gacanta loogu soo dhigi lahaa kaddibna cadaaladda loo horgayn lahaa.

Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Soomaaliya Garyaqaan Baashe Axmed yusuf ayaa Taliska Booliska u soo jeediyay inay ahmiyad weyn siiyaan Waaxdaan iyo guud ahaan la dagaalanka danbiyada kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa waayadii dambe dalka Ku soo badanayay aadna u fool xun sida faraxumaynta carruurta iyo dilalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here