DHAGEYSO:Maydad hor leh oo laga soo saaray huteelkii Xalay la weeraray ee Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in Meydad horleh Maanta laga soo saaray Hotelka Elite ee ku yaalla Xeebta liido ee degmada Cabdul Casiis, oo weerar ku bilaawday qarax Shalay Gabal dhicii ay ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saaka ayaa waxaa Hotelka tegay qaar kamid ah dadka ku nool Gobolka Banaadir oo baadi goobayay Ehelladooda maqan kuna tuhmayeen inay joogeen Hotelka,waxaana laga soo saaray meydka ilaa dhowr qof sida ay warbaahinta guduhu ku waramayso.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhamme Sadiiq Aadan Cali waxaa uu sheegay in 16 Ruux ay weerarkasi ku dhinteen, hayeeshee ay korortay dhimashada, kadib markii meydad horleh Maanta laga soo saaray dhismaha la weeraray.
Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur oo ah Milkiilaha Hoteelka Elite ee la weeraray ayaa sheegay inaysan marna niyad Jabin doonin weerara kooxaha argagixisada ah wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay hal meel uga soo wada jeestaan Dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay aaska AUN agaasimihii xiriirka gobollada ee Wasaaradda Warfaafinta dowlada Soomaaliya Abdirisaaq Cabdi oo ku geeriyooday weerarkii Xalay ka dhacay Hotelka Elite ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay aaska Marxuumka.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa ku sugan aaga Xeebta liido, kuwaasoo sugaya Amniga maadamaa howlo nadaafadeed ay ka bilaawdeen hotelka Elite iyo meelaha ku dhow dhow oo uu qaraxu saameeyay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda werarka qaraxa ku bilaawday ee lagu qaaday Hotelka Elite ee Xeebta liido, iyagoo sheegay inay ku dileen mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here