DHAGEYSO:Meelo kamid ah Somalia iyo Caalamka oo Maalintii 1-aad laga ciidaya

Dad Ciidayo

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa dalal badan oo kamid ah Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya,kadib markii shalay oo Sabti aheyd ay dhameystireen 30-ka Bisha Ramadaan.
Meelo kamid ah Soomaaliya ayaa shalay laga Ciidayay halka dadka qaarkood ay soomanaayeen,waxaana Maanta laga ciidayaa qeybo kamid ah Soomaaliya.
Deegaannada Maanta ay u tahay Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga ayaa waxa kamid ah Magaalooyinka,Dhuusamareeb, Guriceel, Degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe iyo qeybo kamid ah Muqdisho,kuwaas oo saaka laga dareemayo Ciida.
Dhanka kale Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah Ilyaas Sheekh Cumar ayaa hambalyada Ciidul Fitriga u diray madaxda sare ee dawladda Soomaaliya,Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ee ku nool magaalada Jiddah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here