DHAGEYSO:Meydka madaxweynihii hore Moi oo la geeyay Kabarak

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in meydka madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Toroitich Arap Moi oo maanta la aasaya la geeyay degmada Kabarak ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu Oguna xusay in amniga si weyn loo adkeeyay sido kalena ciidamada milatariga ay ku dadaalayaan sidii aaska qaran ee Moi loogu guulaysan lahaa.
Sido kale waxaa uu carrabka ku dhuftay in dadka ka qeyb galaya aaska loo diyaariyay cunno oo qoyska moi ay qaleen ilaa 50 neef oo lo’o ah.

Mr. Moi ayaa talada wadanka hayay muddo 24 sano ah intii u dhaxeysay sannadkii 1978-dii iyo 2002-dii.
Mas’uulkan hore oo soo noqday madaxweyne ku xigeen ayaa hoggaanka dalka kala wareegay madaxweynihii koobaad Jomo Kenyatta oo dhintay 42 sano ka hor.
4-tii bishan labaad ayuu Moi ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital ee ku yaalla caasimadda dalka isagoo 95 sano jir ah halkaas oo bilooyin lagu daaweynayay.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley, George Natembeya ayaa sheegay in ilaa 60,000 qof ay ka qeyb galayaan xafladda aaska.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa lagu sagootin doonaa in la rido 19 rasaas sharafeed ah.
Shalay ayay ahayd markii garoonka cayaaraha ee Nyayo ee magaalada Nairobi xus qaran loogu qabtay Daniel Arap Moi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here