DHAGEYSO:Miisaaniyada Maamulka Galmudug oo la Meel mariyay

Madaxweynaha Cusub ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo uu wehlinayay ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, ayaa shir guddoomiyey kulanka usbuuclaha ah ee Golaha wasiirada Maamulkaas.
Ajandaha kulanka ayaa ku saabsanaa soo jeedinta & ansixinta Miisaaniyada maamulka Galmudug ee 2020.
Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka Galmudug ayaa golaha u soo bandhigtay ku talagalka miisaaniyadeed ee Sanadka 2020.
Dood iyo falanqeyn kadib, golaha wasiirada Galmudug ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyada 2020 oo gaaraysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, konton iyo afar doolar).
Miisaaniyada sanadkii 2018 ayaa aheyd 8 milyan, waxana la kordhiyay in ka badan 50%.
Wasiirka Maaliyada ee maamulka Galmudug Siciid Siyaad Shirwac ayaa ka hadlay muhiimada ansixinta maamulkaasi.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee maamulka Galmudug ayaa isna bixiyay Faahfaahin dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here