DHAGEYSO:Milatari ka qeyb qaadanaya howlaha samatabixinta ee galbeedka Pokot

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa bayaan ka soo saartay dhul go’a saameeyay ismaamulka galbeedka Pokot oo ay ku dhinteen ilaa 37 qof.
Bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi uu tacsi tiiraanyo leh u diraya dhammaan qoysaska ay eheladooda musiibadaasi ku nafwaayeen.
Sido kale waxaa weli ismaamulkaasi ka socdo howlaha samatabixinta iyo gurmadka uu hor kacayo guddiga ammaanka ee gobolka Rift Valley oo garab ka helaya waaxyaha kale ee dowladda iyo hay’adaha gargaarka.
Dr. Matiangi ayaa xusay in halkaasi la geeyay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee milatariga iyo ciidamada booliska.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa intaasi ku dartay in kastoo badbaadin la sameynayo haddana xaaladda cimilada awgeed inay waqti xaadirkan ay adag tahay in qiimeyn dhameystiran lagu sameeyo heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ee dhul go’a ka dhashay.
Dr. Matiangi ayaa sido kale xusay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta si joogta ah uu ula socdo dadaalada ay wadaan waaxyaha kala duwan ee dowladda.
Dhul go’a ayaa laga soo tabiyay tuulooyiinka Nyarkulian iyo Parua oo ku yaala bartamaha ismaamulka West Pokot.
Go’aanka ismaamulkaasi lagu geeyay diyaaradaha milatariga iyo kuwa booliska ayaa yimid kaddib amar ka soo baxay madaxweynaha dalka iyo sido kale cabasho ka soo yeertay barasaabka ismaamulka galbeedka Pokot Prof. John Lonyangapuo

Roobab xooggaan oo halkaasi ka da’ay ayaa sababay dhul go’a waxaana sido kale xirantay wadada isku xirta magaalooyinka Kitale iyo Lodwar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here