DHAGEYSO:Milatariga Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Madaxii Canshuuraha AL-shabaab ee shabeelada Hoose

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen sarkaal sare oo ka tirsana dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Hogaanka Ciidanka Dhulka Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkaas lala qabtay illaa toddoba dagaalame oo uu watay hadana ay ku jiraan gacanta Ciidamada.
Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalka la qabtay uu ahaa madaxii Sakawaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.
Taliyaha ayaa sidoo kale Xusay inay isa soo dhibeen maalmihii lasoo dhaafay dhalinyaro badan oo ka barbar dagaalami jiray ururka Al-Shabaab.

Ciidamada militeriga Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Shabeellada Hoose, waxaana maalin ka hor Janaale lagu soo ban dhigay dhalinyaro kasoo baxday Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya,kadib markii ay sidaas go’aansadeen.
Dhanka kale Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay doon si dhuumaalaysi ah qaad loogu soo gaaday oo la doonayay in la soo galiyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qaybta 27 ayaa maanta gacanta ku dhigay doontaan qaadka waday oo doonaysay in laga soo dajiyo dekeda dabiiciga ah ee deegaanka Ceel Macaan kadib amrkii ay meelay ku degto ka wayday dekedaha Cadale iyo Warshiik ee gobolka shabeelada dhexe.
Taliya Qaybta 27-aad ee ciidanak Xoogga dalka Soomaaliya gen Axmed Maxamed Maxamuud tareedisho ayaa sheegay in qadkaan la doonayay in Magaalada Muqdisho si shrci daro ah lagus oo galiyo ayana qbteen ayagoo raacayay amarkii ka soo baxay madaxda Sare ee dowlada kadibana ay ku wareejiyeen ciidanka Booliska Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka Canshuuraha biriga ee Booliska dowlada Soomaaliya C/laahi Xassan bariise oo isana goobta ka hadlay ayaa digniin u diray dadka ku howlan inay Soomaaliya soo galiyaan khaadka laga Mamnuucay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here