DHAGEYSO:Milatariga Soomaaliya oo Howlgalo ka filyay Tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee dhawaan Magaalada Janaale ee gobolka shabeelada Hoose kala wareegay Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa howlgalo horleh waxay ka fuliyeen tuulooyin Hoostaga degmada Janaale waxayna Guulo ka sheegteen howlgaladaasi.
Tuulooyinka aya Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dagaalameena ayaa lagu kala magacaabaa buulo-arundi iyo busle-daa’uud waxayna Ciidamada dowladu soo bandhigeen mayd ay ku sheegeen inuu ka tirsanaa shabaabka oo ay ka dileen.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dagaalkaas guulo ka Gaareen.

Gudoomiyaha degmada Janaale ee gobolka shabeelada Hoose ayaa isna wuxuu sheegay inuu howlgalkaan sii socon doono ilaa AL-shabaab laga Cirib tirayo Gobolka shabeelada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here