DHAGEYSO:Milatariga Soomaaliya oo ka warbixiyay Howlagalo ay ka Sameeyeen shabeelada Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo howl galo ka Sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegay inay canta ku dhigeen Xubno shabaabka ka tirsan.
Howlgalkaan oo laga Sameeyay tuulooyin hoos taga degmada Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sidoo kale waxaa jira rag ka tirsan Al-shabaab oo idooda isugu soo dhiibay Ciidamada Xooga sida ay Saraakiishu Xaqiijiyeen.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Gen C/xamiid Maxamed Dirir wuxuu Hoosta ka xariigay inuu howlgalkaan sii soconayo inta xubnaha shabaabku gobolkaas ku sugan yihiin.

Dhanka kale Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho waxay ka sameeyeen burburinta goobo sharci daro ah.
Howlgalkaan oo dhacay agagaarka Suuqa degmada Kaaraan ayuu Maamulka gobolka wuxuu ku bartilmaameedsanayay goobaha ganacsiga ee wadada hareereheeda sida sharci darada ah looga dhisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here