DHAGEYSO:Milatariga Soomaaliya oo ku sii siqaya deegaano shabaab ku xooganaayeen

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay saacadihii la soo dhaafay agareen afaafka hore ee degmada Jamaame ee gobolka Jubada dhexe ayagoo ilaa Maalinkii Khamiista ahayd halkaas ku sii siqayay howlaglana ka wadeen.
Wararka ayaa sheegaya in tiro yar oo ka mid ah dagaalameyaasha Al-shabaab ay ku harsan yihiib degmada Jamaame ayadoo Axdii ay soo baxayeen macluumaad inay guud ahaanba halkaas isaga baxeen kadib markii ay kaabiga soo saareen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Ciidanka Milatariga Soomaaliya,Kumaandooska DANAB iyo ciidanka Daraawiishta ee maamulka Jubaland ayaa la sheegay inay hada kaabiga ku hayaan degamada Jamaame,maalmaha soo socdana ay qorshanayaan inay Ciidamadu Magaaladaas gudaha u galaan.
Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa dhankiisa wado qorshe uu doonayo in ciidamada maamulkaas ay la wareegeen Magaalada Bu’aale ee xarunta Rasmiga ee maamulkaasi.
Taliyaha Guud ee ciidamada maamulka Jubaland Gen Adan Goojaar ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshihii ugu danbeeyay ee ay AL-shabaab uga saari lahaayeen Gobolka Jubada dhexe.

Gobolka Jubada dhexe oo inta ugu badan ay shabaabku gacanta ku hayaan ayaa Maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka socday abaabul xooggan logu doonayay in gobolkaas looga farmaroojiyo dagaalameyaasha dowlada diidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here