DHAGEYSO:Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay dileen xubno ka tirsan A-Shabab

Ciidamada xoogga dalka Soomaliya ayaa howlgallo ka dhan Al-Shabaab ka bilaabay wadada u dhaxeeysa degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan halkaasoo Xubno ka tirsan Al-Shabaab dhowr jeer ay weraro ka fuliyeen.
Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe iyo saraakiil kale oo katirsan Qeybta 27-aad ayaa sheegay in howlgalka ay Khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Xubnaha Al-shabaab ee ku sugnaa inta udhexeeysay magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka hiiraan.
Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad G/le Sare Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa isna sheegay in howlgalkaas lagu dilay 11- ka mid Al-Shabaab.
Degaanka ay ciidanka xoogga dalka howlgalka ka fuliyeen ayaa lagu magacaabaa buurweyn waxayna udhexeeya degmooyinka Buul-burde iyo Jalalaqsi, waxaana laba maalin ka hor uu dagaal ku dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.
Sida uu faahfaahinayo Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here