DHAGEYSO:Moses Wetangula oo si rasmi ah looga qaaday xilka hoggaamiyaha Ford -Kenya

Mas’uulka diiwaangelisa xisbiyada siyaasadeed ee dalka Anne Nderitu ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacday in senetarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula laga qaaday xilka madaxa xisbiga Ford-Kenya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii jagadaas lagu wareejiyay Athanas Wafula Wamunyinyi in kastoo Wetangula uu ka soo horjeestay.
Sido kale qoraalka ayaa tilmaamaya in xilka xoghayaha dhanka abaabulka laga wareejiyay Chris Mandu Mandu laguna beddelay Josephine Maungu.
Xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ayaa dhanka kale cid kasta oo xisbiga Ford-Kenya ka mid ah oo doonaysa inay isbeddel sameyso ku wargeliyay inay muddo hal toddobaad gudihii ah qoraal soo gudbiso.
Wafula Wamunyinyi ayaa sidatan uga hadlay isbeddelkii dhacay ee maanta la ayiday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here