DHAGEYSO:Mucaaradka Soomaaliland oo xukuumada ku dhaliilay dadka la xirayo.

Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani ayaa Canbaareeyay Talaabo Ciidamada amaanka ee Soomaaliland ay shalay Xabsiga ugu taxaabeen mid ka mid ah Waxgaradka Gobolka Awdal.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Awdal Maxamad Aadan Suldaan oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku Tilmaamay Xariga Suldaan Abshir Ducaale oo ka mid ah Salaadiinta gobolada Xeebta ee Soomaaliland.
Wuxuu Xukuumada Soomaaliland ugu baaqay inay si shuruud la’aan ah u siidayso Suldaankaas isagoo dhanka kale ka hadlay sababta ay ciidamada amaanka Soomaaliland u Cuskadeen Xariga Suldaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here