DHAGEYSO:Mudanaha Fafi oo baaq ka soo saaray Tirakoobka

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Fafi ee ismaamulka Garissa , Cabdikarim Cismaan ayaa dadka kenyanka ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Dadab iyo Fafi waxaa uu ugu baaqay inay ka qayb qaatan tirakobka dalka ka billaabanaya 24-ka bishan sideedaad.

 

Dhanka kale wasaaradaha arrimaha gudaha , warfaafinta iyo badbaadinta bulshada ayaa shacabka u sheegay in dowladda ay si buuxda ugu diyaar garoowday maareynta tirakoobka qaran.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Mr. Joe Mucheru ayaa Kenyaanka u xaqiijiyay in macluumaadka ay gudbinayaan xilliga la xisaabinayo ay yihiin kuwo si aan habbooneyn loo adeegsan doonin.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka ku sheegtay in qof waliba oo Kenyaan ah oo doonaya inuu wax ka ogaado tirakoobka qaran lagu boorinayo inuu waco nambarka ah 0800221020 .
Dr. Fred Matiangi , wasiirka arrimaha gudaha ayaa hoosta ka xarriiqay in ammaanka si weyn loo sugayo 7-da maalmood ee ay xisaabintu socoto.
Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa soo jeediyay in la xaqiijiyo sidii qof waliba oo Kenyaan ah loogu tirin lahaa halka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay inay si weyn ugu soo baxaan tirakoobka qaran ee guud ahaan dalka ka billaabanaya habeenka 24-ka bishan sideedad.
Kalonzo Musyoka oo horay u soo noqday madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in qof waliba uu xilliga xisaabinta dib ugu laabto deegaankiisa.
Sido kale waxaa uu sheegay in xisbiga Wiper ee uu madaxa ka yahay uu si buuxda u taageerayo geedisocodkan tobankii sano hal mar ah la qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here