DHAGEYSO:Mudanaha FAFI oo dalbaday in wax laga beddelo warbixinta BBI

Xildhibaanka laga soo doortay kursiga baarlamaanka ee deegaanka FAFI ee ismaamulka Garissa Cabdikariim Cismaan ayaa ku biiray mas’uuliyiinta doonaya in wax laga beddelo soo jeedinnada warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Sida uu ku soo warramayo wariyaha warbaahinta Star ee Garissa Cabdisamad Muxumad Cabdi waxaa uu mudanaha sheegay inay muhiim tahay in la tixgeliyo tabashooyinka xoolo dhaqatada ee ku aaddan warbixinta

Dhanka kale Cismaan Cabdi Ibraahim oo loo yaqaano Cismaan Afmaroor oo ka mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa ayaa sheegay inuu tageersan yahay barnaamijka mideeynta kenyaanka wuxuuna dhaliilay qaar ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka oo ka soo horjeedsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here