DHAGEYSO:Munaasabad lagu shaacinayay Natiijada Imtixaanka dugsiga 8 ee Galmudug oo dhuusamareeb lagu qaybtay

Munaasabadda shaacinta natiijada Imtixaankii fasalka 8-aad ee dugsiyada maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu qaybtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulkaasi.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka Qaybgalay Masuuliyiinta katirsan wasaarada Waxbarashad ee Maamulka Galmudug,Madaxweyne ku xigeenka Galmudug,Bahda waxbarashada iyo Bulshada qaybaheeda kale.
Gudoomiyaha Magaalada Dhuusmareeb Macalin C/raxmaan Geeda Qorow ayaa la dardaarmay dardaydii Imtixaanka Gahsay wuxuuna tilmaamay inay dadaal badan Bixiyeen kuwii guulaystay iyo kuwii aan guulaysanba.
Sidoo kale Axmed Xuseen Khayre Agaasimaha waaxda Imtixaanaadka ee Wasaarada waxbarashada Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii ay imtixaankaa uga qaadeen ardaydii Gashay.

Wasiirka waxbarashada Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa isna faahfaahin ka bixiyay ardayda Imtixaanka u fariisatay tiradooda Kaalimaha ay kala Galeen iyo tirade aan soo gudbin ee Imtixaanka ku dhacay.

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo munaasabada soo gabagabeeyay ayaa sheegay in madaxda Maamulka Galmudug ay muhiimad weyn siin doonaan wasaarada Waxbarashada si loo helo Jiil waxbartay oo dadka iyod eegaankaba anfaca.

Wasaarada waxbarashada Maamulka Galmudug ayaa ku guulaysatay inay maarayso Imtixaanka Fasalka Sideedaad ee deegaanada Maamulkaas ee Sanad dugisyeedka 2019 – 2020 waxayna Wasaaradu sheegtay inay Kaalimaha ugu horeeya Galeen ilaa 10 arday oo waxka barta dugsiyo ku yaala degmooyin kale duwan oo ka mid ah maamulkaasi.
Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ka qeyb galay kulan lagu dooranayay hoggaanka iskaashatooyinka beeraleeyda Gobolka Mudug,waxaa sidoo kale isla Munaasibadaas lagu doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka iskaashatooyinka beeraleeyda gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here