DHAGEYSO:Munaasabad lagu soo dhawaynayay madaxda maamulada oo Muqdisho lagu qabtay

Siyaasiin, odayaasha dhaqanka,madaxdii hore ee Soomaaliya qaar ka mid ah, maamulka Gobolka Banaadir,xildhibaano,wasiiro,Madaxda Maamul goboleedyada,shacab iyo Masuuliyiin kale ayaa Muqdisho uga qayb Galay Munaasabad lagu soo dhawaynayay Madaxda Maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka banaadir.
Prof C/qaadir Maxamed Shirwac oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee goobta ka Hadlay ayaa Madaxda Soomaalida ku bogaadiyay Howshii adkayd ee ay soo qabteen iyo sida ay u jaheeyeen Maraxaladii dalku Marayay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxda qaranka iyo hoggaanka Maamuladuba ay sameeyeen Tanaasul weyn si dalka looga Samata bixiyo Xaaladda uu Marayo Xiligaan ee Kala guurka iyo doorashada ah.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa ka mahadceliyay Munaasabadaan Soo dhawaynta ah ee Muqdisho loogu Sameeyay waxayna dhanka kale sheegeen in dalka Soomaaliya kaddib heshiiskii ay dhinacyada Siyaasadu Gaareen uu u Talaabsaday dhanka Hormarka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ayaa dhankiisa Guulo waa weyn ku tilmaamay shirarkii is daba jooga ahaa ee Madaxda dowlada dhexe iyo kuwa goboladu ku kala yeesheen magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho kuwaasoo ugu danbayn lagu Jiheeyay Nooca doorashada Soomaaliya ay noqonayso isagoo hambalyo u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in dowladnimada hadda jirta ay tahay mid soo martay marxalado kala duwan oo ay kasoo Shaqeeyaan madax kala duwan, islamarkaana waqti badan ay geliyeen.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in hadii daacad laga noqdo doorashada Soomaaliya waqtigeeda laga soo hormarin karo, isagoo ku baaqay in laga Shaqeeyo qabsoomida doorasho loo dhan yahay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa uu aad u dhaliilayay siyaasadda Madaxda Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here