DHAGEYSO:Munaasabad looga hadlayay sugnaanta cunnada oo Baydhaba lagu qabtay

Munaasabad ay soo qaban qaabisay wasaaradda Beeraha iyo Waraabka maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya loogana hadlayay Sugnaanta Cunnada Sare u qaadida wax soo saarka Gudaha iyo hormarinta iskaashatooyinka Beeralayda ee deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Baydhaba ee Xarunta gobolka Bay.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayblay masuuliyiin ka socday wasaarada Beeraha koonfur Galbeed,khuburada Beeraha,Iskaashatooyinka Beeraha iyo dadkale waxaana la isla Qiray Muhiimadda ay leedahay Sare u qaadida wax soo saarka Gudaha dhan dhaqaale iyo dhan Caafimaadba.

Qaar ka mid ah aqoonyahanada Caluunta Beeraha ayaa sheegay in Gobolka Baay uu ka mid yahay gobolada ugu wax soo saarka badan dalka Soomaaliya islamarkaana loo baahan yahay in si weyn looga faa’iidaysto.
Wasiirka Beeraha koonfur Galbeed oo Wasaaradiisu Munaasabadaan soo agaasintaay ayaa sheegay inay ka go’an tahay hormarinta Beeralayda Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay sare ugu qaadaan wax soo saarkooda dhanka Beeraha.
Isago Xusay in Cunnooyinka wadaniga ah ee ka soo baxa gudaha dalka Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu caafimaadka badan sidoo kalena uu Bulshada ku booriyay inay isticmaalaan Cunnooyinka wadaniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here