DHAGEYSO:Munaasabad loogu ducaynayo dadkii ku dhintay Soobe ee Muqdisho ka socota

Masuuliyiin badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa khudbado ka jeediyay munaasabada ducada ah ee ka socota Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee Kulankaas Ducada ah Khudbadda ka jeediyay ayaa su’aal iska waydiiyay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyinkaan wajahayaan ayadoo aan wali wax muuqda laga qaban caqabadahaan.
Culimada,dowlada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayuu ku booriyay in cidkasta Masuuliyadeeda ka soo baxdo.

Dhammaan saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa maanta umadda Soomaaliyeed la qeybsanaya xusuusta iyo xanuunkii Mashaqadii 14-kii Oktoobar 2017 oo weerar waxuushnimo ah lagu laayay boqolaal shacab aan waxba galabsan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Maanta oo kale saddex sanno ka hor 14-kii Oktoobar 2017 Al-shabaab ayaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa la beegsaday isgoyska Soobe oo ah goob mashquul badan xilliga ayuu isgoysku ahaa mid aad u saxmad badan, maadaama ay ahayd xilli galab ah dadkuna ku socdeen guryahooda iyagoo kasoo baxay goobahooda shaqada iyo waxbarashada.
Waa maalin xusuus xanuun badan ku leh ummadda Soomaaliyeed oo lagu waayay ku dhawaad 600 oo ruux halka dhaawacuna uu intaas ka badnaa.
Isgoyska Soobe ayaa saddex sanno kaddib kasoo kabtay burburkii kasoo gaaray qaraxii ugu weynaa ee abid ka dhaca Afrika kaasoo lagu laayay shacab aan waxba galabsan, balse waxey xusuuso xanuun badan ku reebtay quluubta dadka Soomaaliyeed oo ku waayay dad tiradoodu gaarayso 587 ruux oo ahaa indhaha bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here