DHAGEYSO:Munaasabada lagu maamuusayay Maalinta Calanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Sanadka 12 Bisha October ayaa dalka Soomaaliya waxaa lag xusaa maalinta Calanka Soomaaliya waxaana la qabtaa Munaasabado kala duwan oo lagu weynaynayo malaintaa muhiimada weyn u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed ayadoo madaxda dalku ay ka jeediyaan khudbado looga hadlayo muhiimada Calanka Halgankii loo Soomaray keenistiisa iyo sida ay muwaadinkasta Waajib ugu Tahay inuu ilaaliyo Calankiisa.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre oo Khudbad ka jeedinayey munaasabad lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay muqdisho ayaa ku baaqay midnimada umada iyo ilaalinta madax banaanida Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in qof walba oo Soomaali ah muxaafid iyo mucaaradba looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan ilaalinta xaduudkeena dalka,Badda,Hawada iyo madax banaanida umada Soomaaliyeed,isla markaana taariikhda ay qori doonto qof walba wax uu Dalkiisa u qabtay iyo qarankiisa.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa isan sheegay inay dhalashadii Soomaaliya iyo helitanakii madaxbanaanida ay tahay arin aad ugu weyn quluubta muwaadiniinta mudana in markasta la weyneeyo oo loo damaashaado.

 

12-kii October sanadkii 1954-tii ayeey aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee Calanka Buluugga ah ee u eg samada xiddigta Shan geesoodka leh ahna ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Federalka Somalia.
Dalka Soomaaliya waxaa soo maray Sadex Calan kuwaasoo kala ahaa Calanka gumeystihii Talyaaniga iyo kii Ingiriiska oo jiray 1941-dii ilaa 1950-kii waxaana 1954-tii Qaramada midoobay ddalka Soomaaliya ku wareejisay Talyaaniga si uu xornimo u gaarsiiyo iyadoo qaramada midoobay magacawday Sadex waddan oo dusha ka kontoroolayay sida uu Talyaanigu u maamulayay Soomaaliya kuwaas oo kala ahaa waddamada Masar, Colompia iyo Philibin, waxaana markaasi dalka ka jiray calanka Talyaaniga oo uu wehliyo kan Qaramada Midoobay, qorshahaasi xornimo gaarsiinta ahna waxaa ka shaqeeyay xisbigii Leegada halgamiyaashii .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here