DHAGEYSO:Muqdisho oo laga uruurinayo Xoolaha Jidadkeeda Jooga.

Waxaa Magaalada Muqdisho Si rasmi ah uga dhaqan Galay amar uu dhawaan Soo saaray gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumara Maxamed Maxamuud Cumar Filish kaasoo dhamaan jidadka Magaalada Looga Aruurinayay Xoolaha jooga.
Xoolaha lagu aruuriyo wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa la gaynayaa Xarunta Baadi Qabadka oo dhawaan Dib u dhis lagu Sameeyay.
Agaasimada guud ee Bilic Soo celinta iyo nadaafada maamulka Gabolka Banaadir oo kaashanaya Ciidanka Ilaalinta Deegaanka dowlada hoose ee Xamar ayaa howlgal ay Fuliyeen waxay ku soo aruuriyeen in ka badan 30 Neef oo lo’ ah kuwaasoo wadooyinka Magaalada Muqdisho dhex Marayay.
Masuuliyiinta gobolka Banaadir ayaa sheegay inay Talaabadaan qayb ka tahay Sare u qaadida Bilicda Caasimada iyo in xalw aara loo helo xoolaha gudaha Magaalada Lagu soo fasaxo oo caqabad ku ah Nadaafada caasimada.
Xarunta baadi Qabka Gobolka Banaadir oo loogu Tala Galay in Xoolaha lagu Xareeyo ayaa loo diyaariyay dhamaan adeegyadii Looga Baahnaa sida baadka iyo biyaha loogu talagalay in lagu quudiyo xoolaha halkaas la geenayo iyo meelo gabaad ah oo ay ka galiayaan Xooluhu Roobka iyo qoraxda.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xassan ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkaan ay dowlada Hoose ee Xamar ku soo aruurinayso Xoolaha Caasimada wadooyinkeeda dhex socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here