DHAGEYSO:Murang’a oo laga billaabay howlgalo ka dhan ah waalidiinta aan carruurtooda geynin dugsiyada

Saraakiisha ammaanka oo kaashanaya guddoomiye xaafadeedyada iyo kuwa waxbarashada ayaa ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka ka billaabay howlgalo lagu baadigoobayo ardayda aan dhigan dugsiyada.
Waalidiinta ayay ugu baaqeen inay carruurtooda geeyaan xarumaha waxbarashada si ay u helaan tacliin anfacdo.
Waxay mas’uuliyiintan sheegeen inaynan suurtagal ahayn in waalidiinta qaar ay ku andacodaan inaynan haysan dhaqaale ku filan oo ay ku bixin karaan waxbaridda carruurtooda iyadoo dowladda ay culeyskaasi dusha saaratay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here