DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo ku baaqay in laga feejignaado siyaasiyiinta shacabka kala qaybinaya

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa shacabka ugu baaqay in ay aad isaga ilaaliyaan siyaasiyiin uu xusay inay faafinayaan farriimo naceyb iyo kala qaybsanaan ku saleysan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in siyaasi kasta uu doonaya inuu noqdo madaxweynaha dalka sannadka 2022-ka looga baahan yahay inuusan caqabad ku noqon wax qabadka maamulka talada haya ee Jubilee.
Mr. Mudavadi ayaa ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in diiradda la saaro wax u qabashada Kenyaanka gaar ahaan dib u soo noleynta dhaqaalaha wadanka ee ay saameynta ballaaran ka soo gaartay cudurka COVID19.
Caqabadaha dhanka hoggaanka iyo maamulka ee dalka ka jiro ayuu Musalia u aaneeyay go’aamada ay codbixiyayaasha qaataan marka ay madaxda soo dooranayaan oo uu sheegay in inta badan la eego dhaqaalaha musharaxa iyo qabiilka uu ka soo jeedo.
Madaxa ANC ayaa mas’uuliyiinta kala duwan ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan marka ay dadweynaha kula hadlayaan goobaha fagaaraha ah oo ayna ka fogaadaan adeegsiga hadallada naceybka , qabyaaladda iyo kala qaybinta ku saleysan.

Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu ku sugnaa magaalada Gilgil ee ismaamulka Nakuru.
Mudavadi ayaa sidoo kale xusay in la joogo xilligii la xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here