DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo sheegay inuu ka daalay taageeridda musharaxiinta kale

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay inuusan sannadka 2022-ka xilka madaxtinimada ku taageeri doonin musharax kale.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu ka mid noqonaya siyaasiyiinta loolanka ugu jiro qabashada hoggaanka wadanka.
Musalia oo isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Kakamega ayaa hoosta ka xarriiqay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ay tartami doonaan.
Sido kale waxaa uu xusay in qofka noqonaya madaxweynaha xiga ee dalka la doonayo inuu xoogga saaro kobcinta dhaqaalaha Kenya.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah warshadaha soo saaro sokorta ee galbeedka dalka oo uu sheegay inaysan hadda shaqeyn.
Musalia ayaa dhanka kale su’aal geliyay isbeddeladda la doonayo in lagu sameeyo dastuurka wadanka ka hor doorashada guud ee 2022-ka.
Hoggaamiyaha ANC ayaa ku nuuxnuuxsaday in siyaasiyiinta u ololeynaya in la qabto afti lagu beddelaya dastuurka ay yihiin kuwo eegaya oo keliya danahooda gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here