DHAGEYSO:Muslimiinta caalamka oo maanta u dabaaldegaya Ciidul Adxaa

Bulshada muslimiinta ee ku nool daafaha caalamka ayaa maanta u dabaaldegaya maalinka koobaad ee munaasabadda Ciidda carafe ee loo yaqaano ciidul adxaa.
Waxay dadku isugu soo baxeen oo ay salaadda ciidda ku tukanayaan garoomada magaalooyinka kala duwan iyagoo isku hambalyeeynaya.
Sido kale waxaa isa soo taraya fariimada hambalyada ah ee ay dirayaan mas’uuliyiinta dalka.
Hoggaamiyaha urur weynaha mucaraadka Nasa , Raila Odinga, Barasaabka Wajeer Ambasadoor Maxamad Cabdi Maxamuud , dhigiisa Garissa Cali Bunow Qorane ,xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Aadan Barre Ducaale iyo dhigiisa deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Adan Keynan ayaa si iskumid ah ugu hambalyeeyay muslimiinta ku nool gudaha wadanka.
Sido kale muslimiinta ayaa loogu baaqay inay xasuustaan dadka danyarta ah ee ku dhex nool oo ayna farxadda la qeybsadaan.
Barasaabka Wajeer Ambasadoor Maxamad Cabdi Maxamuud iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Aadan Barre Ducaale oo fariimahaasi diraya ayaa waxaa hadaladooda ka mid

Haddaba sideey saaka bulshada ku nool magalada garisa ugu soo baxeen munaasabadda ciidul Adxaa
cabdisamad  ayaa goor dhow khadka taleefoonka ugu warramay Cabdifataax Caydiid .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here