DHAGEYSO:Muslimiinta oo maanta u dabaal degaya ciidul adxaa

Waxaa maanta guud ahaan wadamada islaamka looga dabaal degayaa maalinka ciidul adxaa.
Ciiddan ayaa timid iyadoo dalka iyo guud ahaan dunida uu ka jiro cudurka sii faafaya ee COVID19.
Shacabka ayaa lagu booriyay inay guriyahooda ku tukadaan haddii ay masaajidda iyo meelaha fagaaraha ah isugu tagaanna ay raacaan awaamirta dowladda iyo talooyinka wasaaradda cafaimaadka ee dalka.
Waa sidee Jawiga magaalada Garissa.
Cabdisamad Muxumad Cabdi ayaa daqiiqado ka hor Khadka taleefoonka ugu warramay Mowlid Maxamad Shuriye

Dhanka kale waxaa isa soo taraya hambalyada iyo baaqyada ay dirayaan culimada iyo mas’uuliyiinta siyaasadeed ee ku aaddan munaasabadda ciidul adxaa.
Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolka waqooyi bari oo isugu jiro barasaabyo, senetarro, xildhibaano, wakiilada haweenka iyo wakiilada deegaanada hoose ayaa baraha ay bulshada soo dhigay qoraalo ay bulshada farxadda kula qeybsanayaan uguna hambalyeynayaan.
Sheekh Maxamuud Sheekh Yuusuf oo ka mid ah culimada Wajeer ayaa muslimiinta hambalyo u diray isagoo dhanka kale faahfaahin ka bixiyay neefka la doonayo in maanta oo kale la qalo

Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo ka mid ah culimada magaalada Nairobi ayaa faahfaahinaya qaabka ciiddan loo tukanaya

Sheekha ayaa sido kale sharraxay nidaam loo dejiyay in ragga iyo haweenka ay ugu kala tukadaan masjidka abuubakar-siddiiq ee xaafadda islii

Sheekh Maxamad Cabdi Umal ayaa ka digay in carruurta iyo dadka waayeellada ama xanuunada gaarka ah qabo la geeyo goobaha lagu ciidaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here