DHAGEYSO:Naafada oo ka gadoodsan warbixinta BBI

Madaxda baarlamaanka dalka ku galay sida magacaabidda ee ka shaqeya danaha dadka naafada ah ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI oo lagu wado in berri si rasmi ah Kenyaanka loola wadaago.
Mas’uuliyiintan oo ay hor kacayaan xildhibaan David Ole Sangok iyo senatar Issac Mwaura ayaa sheegay in aan si buuxda loo tixgelin talooyin ay guddiga BBI u gudbiyeen.
Waxay dalbadeen in la soo celiyo qodobbo dastuuri ah oo la xiriira matalaadda naafada ay ku andacoonayaan in meesha laga saaray.
David Ole Sangok iyo Peter Mwangi Muchiri oo ah guddoomiyaha golaha qaran ee dadka uusan lixaadka u dhamaystirneyn ayaa wacad ku maray inay labo toddobaad kaddib guud ahaan dalka dibadbaxyo ka dhigayaan hadii aan cabashadooda la tixgelin

Dhanka kale koox isbedel doon ah ayaa ku baaqday in aan la soo dhaweyn warbixinta BBI oo ay sheegayaan in shakhsiyaadka loo xilsaaray markii horeba qaab sharci darro ah lagu soo magacaabay.
Waxay sidoo kale xuseen in warbixinta BBI ay jagooyin siyaasadeed oo dheeraad ah u abuurayso shakhsiyaad gaar ah.
Xubnaha kooxdan oo loo yaqaano Kongamano la Mageuzi ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM, Raila Odinga ka dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyaan geedisocoka iyo ka hadalka BBI oo ay sheegeen in kheyraadka wadanka lagu lunsanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here