DHAGEYSO:Nabadsugida Soomaaliya oo Gargaar gaadhsiiyay dadka Beledweyne ka barakacay qaar ka mid ah.

Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa ayaa Lacago ay Mushaaraadkooda ka Jareen gaadhsiiyay dadka Nugul kuna Barakacay Fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyn.
Boqol Qoys oo ka mid ah dadka ku Barakacay fatahaadihii dhawaan ku dhufta Magaalada Beledweyne ayaa ka Faa’iidaystay deeqda Lacagta ah ee Ciidamada Nabad sugida iska soo uruuriyeen.
Con. C/raxmaan Axmed Caraale oo ah Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay Yartahay Lacagta ay bixiyeen balse ay ku dhiibayaan qalbi wanaagsan iyo inay walaalahood dhibaatadad la qaybsanayaan.

Qaar ka mid ah shacabka danyarta ah ee ay gaadhay deeqdaan ay gaadhsiiyeen Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa Ciidanka kaga mahadceliyay Garab istaaga ay u muujiyeen Xiliga adag ee ay Marayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here