DHAGEYSO:Nin xaaskiisa u dilay cunto darteeda

Booliska ismaamulka Kakamega ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu dilay xaaskiisa habeenimadii isniinta kaddib marki ay isku khilaafeen cuntada loo yaqaano ugaali ama booshada.
Ninkan oo lagu magacaabo Joseph Shiro, ayaa gurikiisa yimid isaga oo sarkhaansan oo soo cabay khamro.
Waxaa uuna xaaskiisa ka codsaday inay siiso cuntada islmarkaasi u karsaneyd iyadoona diiday inay siiso taas oo keentay inuu ka xanaaqo ka dibna masaar madaxa kaga dhuftay.
Haweeneyda nafteeda u weysay cuno darteeda ayaa waxaa lagu magacaaba Florence Makonjio.
Gabar uu dhalay aabahaas dilka gaystay ayaa sheegtay in aabageeda uu yimid gurika isagoo sakhraansan oo faraxsan oo xitaa qoob ka ciyaar samaynayaa inta uusan khilaafku dhicin.
Cabsita khamrada halisteeda ayaa aad u badan farxad iyo halis ayayna kuu horseedaysa.
Qoyska marxuumka ayaa si naxdin leh uga hadlay dhacdadan, iyagoo xusay in lamaanaha aysan wax khilaaf ah horay uu soo marin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here