DHAGEYSO:NISA oo soo bandhigtay Fanaan Ka Tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay muuqaal kooban oo ku saabsan Fanaan sheegtay inuu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab kana howlgeli jiray Magaalada Muqdisho.
Abshir Gaarane Axmed ayaa sheegay inuu sido kale ka tirsan yahay kooxda fanka Gobalka Banaadir.
Sidoo kale Abshir Gaarane ayaa waxaa uu tilmaamay inuu Shabaab u qaabilsanaa xuuraanka iyo Maaliyadda, isla markaana muddo dhowr sanno ah uu la shaqeynayay.

Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee twittarka Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Dabagal dheer oo ay sameeyeen kadib lagu soo qabtay Fanaanka, isla markaana loo gudbinayo Hay’adaha dowladda soomaaliya u qaabilsan dhanka garsoorka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here