DHAGEYSO:Odayaasha dhaqanka Galmudug oo digniin soo saaray.

Odayaasha saxiixayaasha ee Galmudug ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Xildhibaanada 89 mudane tiradooda intaasi laga badiyo, iyagoona wacad Ku maray in cidii arintaasi Ku dhaqaaqda tilaabo cad ah ay ka qaadi doonaan.
Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa sidoo kale ku dhawaaqay haddii Ahlusunna la siiyo 35 Xildhibaan in aysan ka qeyb gali doonin dhismaha maamulka Galmudug.
Waxa ay sheegeen odayaasha saxiixayaasha ah in dhawaan ay dhisi doonaan xubnaha Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here