DHAGEYSO:Odayaasha dhaqanka Shabeelada dhexe oo soo dhaweeyay guddiga doorashada ee Hirshabeelle

Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa waxay soo dhaweeyeen guddigii farsamada doorashada maamulka Hirshabeelle ee dhawaan uu magacaabay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Duubabka dhaqanka ee ku nool gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxay sheegeen inay si weyn u taageerayaan soo magacaasita guddiga xulaya Baarlamaanka 2-aad ee maamulka Hirshabeelle kuwaasoo dhawaan uu madaxweynuhu magacaabay.
Odayaashaan oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegay inay muddo sugayeen soo magacaabida Guddigaan sidaas darteedna ay aad u soo dhawaynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here