DHAGEYSO:Odayaasha gobolka Hiiraan oo eedeyn u jeediyay madaxweyne Waare

Odayaasha gobolka Hiiraan oo shalay gelinkii danbe ku dhawaaqay guddi ka shaqeeya soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabeele ayaa ku eedeeyey madaxweynaha maamulkaas in guddiga uu magacaabay ay u badan yihiin dad xilal ka haaya xaafiiskiisa oo ay ka shaqeeynayaan sidii xildhibaanada hadda jooga ay ku soo laaban lahaayeen.
Waxaa magaalada Baladweyne la filayaa inay maanta ka dhacaan kulamo lagu kala taageerayo guddiyada ay kala magacaabeen madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyadoo guddiga odayaashu magacaabeen ay u yeereen saxaafadda si ay ugu soo bandhigaan qorshahooda shaqo.
Wariyaha Star FM ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamad ayaa Cabdishakuur Maxamed Xasan oo Baladweyne inooga soo waramo qadka taleefoonka kula xiriiray wuxuuna marka hore faahfaahin ka bixinayaa xaaladda guud ee Beledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here