DHAGEYSO:ODM oo beenisay inay musuqmaasuqa difaacayso

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ee ODM , Edwin Sifuna ayaa gaashaanka u daruuray eedeymaha uga yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka sida madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto.
Waxaa uu Sifuna sheegay in xisbiga ODM uunan marnaba taageersanayn ama difaacin lunsashada kheyraadka shacabka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay doorbidayaan oo keliya in baaritaano wax ku ool ah la sameeyo.
Sifuna ayaa sheegay in hadal haynta warbaahinta ee ku aaddan in lacago laga dhacay wasaaradda caafimaadka ay fursad siin karto dambiilayaal inay baxsadaan.
Sido kale waxaa uu xusay in shakhsi ahaan uunan wax ganacsi ah la sameyn dowladda.
Xoghayaha guud ee ODM ayaa intaa ku daray in hadii ay qabtaan hoggaanka dalka cid waliba oo musharaxiinteeda ka mid ah shardi looga dhigaya inaynan ganacsi la yeelan dowladda si looga fogaado khilaaf dano ku saleysan

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here