DHAGEYSO:ODM oo sheegeytay inaysan aqbalaynin isbeddelo loo soo marayo baarlaamanka

Waxaa dalka ka jiro hadal hayn siyaasadeed oo ku aaddan warbixintii dhawaan uu Kenyaanka la wadaagay guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Siyaasiyiinta ayaa ku kala aragti duwan qaabka loo dhaqangelinayo waxyaabaha dadweynaha ay soo jeediyeen ee ku xusan warbixinta oo ay ka mid tahay inuu ra’iisul wasaare jiro.
Garabka mucaaradka ee uu hoggaamiyo Raila Odinga iyo kooxda isku tilmaanta Kieleweke ee taageersan heshiiskii sannadkii hore Raila iyo Uhuru dhex maray ayaa doorbidaya in afti la qaado si dastuurka loo beddelo.
Madaxda siyaasadeed ee uu hor kacayo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankooda sheegay in baarlamaanka uu isbeddelo sameyn karo haddii afti ay lagama maarmaan noqotana aynan waxba ka qabin.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka wadanka ahna mudanaha deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale iyo siyaasiyiinta ay isku fikirka yihiin ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay

Dhanka kale wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Peter Munya iyo barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi , Onesmus Muthomi Njuki ayaa iyagana sheegay in la doonayo in dadweynaha fursad loo siiyo inay warbixinta si iskood ah u akhristaan oo ay go’aan shakhsiyeed qaataan

Xildhibanka deeganka Ugunja Opiyo Wandayi ayaa sheegay in xisbiga ODM uu taageerayo dhammaan soo jeedinta guddiga BBI-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here