DHAGEYSO:Ololaha ku aaddan xilka xildhibaananimo ee Kibra oo sii xoogaysanaya

Iyadoo uu qorshuhu yahay in maalinka khamiista taarikhduna ay ku beegan tahay 7-da bishan in doorasho ku celis ah ay ka dhacdo deegaan baarlamaaneedka Kibra ee magaaladatani Nairobi ayaa waxaa dhanka kale sii xoogaysanaya loolanka arrinkan ku aaddan.
Xisbiyada kala duwan sida ODM, Jubilee iyo ANC ayaa isku soo baxyo siyaasadeed ku qabanaya deegaankaasi.
Musharaxiinta loolanka ugu jiro inay buuxiyaan xilkii uu banneeyay Ken Okoth ayaa waxaa ugu cadcad McDonald Mariga oo Jubilee matalaya iyo Bernard Okoth oo ODM ka tirsan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay rajeynayaan in musharaxa Jubilee uu guulaysto.
Waxaa uu dhanka kale dhaliilay in barasaabyada ismaamulada Machakos iyo Kitui ee kala ah Dr. Alfred Mutua iyo Charity Ngilu inay taageero u muujiyeen musharaxa ODM.
Ruto ayaa sheegay in taasi ay ka dhigantahay in Raila Odinga uu garab siyaasadeed raadsaday maadaama sida uu hadalka u dhigay tartanka uunan ahayn mid fudud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here