DHAGEYSO:Ololaha loogu jiro doorashada ku celiska ee Kibra oo socdo

Waxaa weli deegaanka Kibra ee ismaamulka Nairobi ka socdo ololaha siyaasadeed ee ay wadaan musharaxiinta doonaya inay buuxiyaan xilkii uu banneeyay Ken Okoth.
Sido kale waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee ay jeedinayaan musharaxiinta iyagoo codbixiyayaasha ku boorinaya inaan loo adeegsan kicinta rabshadaha.
Musharaxa xisbiga Jubilee ee doorashada yar ee Kibra McDonald Mariga iyo dhigiisa xisbiga Ford-Kenya Khamisi Butichi ayaa labaduba soo bandhigay waxyaabaha ay doonayaan inay shacabka u qabtaan haddii la doorto iyagoo dhanka kale fariinta nabadeed ee ay u jeedinayaan sidatan u dhigay

 

7-da bisha koow iyo tobnaad ee sannadkan ayaa loo ballansanyahay in deegaankaasi ay ka dhacdo doorasho ku celis ah oo siyaasigii ku soo baxo uu shacabka Kibra baarlamaanka ku matali doono waxaana loolan adag galaya musharaxiin ka kala socdo xisbiyada ODM, Jubilee, ANC iyo Ford- Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here