DHAGEYSO:Ololaha loogu jiro in la buuxiyo xildhibaananimada Kibra oo sare u sii kacay

Waxaa maalinba maalinka ka sii dambeysa sii xoogaysanaya ololaha loogu jiro in la buuxiyo xilkii uu banneeyay mudanihii deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi Ken Okoth ee dhawaan geeriyooday.
In ka badan 20 musharaxiin ah oo ka tirsan xisbiga ODM ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan qabashada xilkaasi.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi uu ku dhawaaqay in kursiga baarlamaneed ee deegaankaasi uu bannaan yahay.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta loolanka ku jiro ayaa hoosta ka xarriiqay inay doonayaan in doorashada ay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Dastuurka dalka ayaa dhigaya in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC looga baahan yahay inuu doorasho qabto saddex bilood gudahood kaddib marka go’aanka guddoomiyaha baarlamaanka.
Xildhibaankii deegaanka Kibra baarlamaanka ku matalayay Ken Okoth ayaa 26-kii bishii hore ku geeriyooday isbitaalka Nairobi kaddib markii uu in muddo ah la xanuunsanaa cudurka Kansarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here