DHAGEYSO:Peter Kenneth oo dalbaday in warbixinta BBI la soo bandhigo

Siyaasiga Peter Kenneth oo horay u soo noqday xildhibaanka deegaanka Gatanga ee ismaamulka Murang’a ayaa dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan shaaca looga qaado warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxaa uu soo jeediyay in la doonayo in cid kasta ay akhrisato oo ay fahanto qodobada warbixinta ku xusan.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayuu ku booriyay inay xaqiijiyaan in warbixinta BBI Kenyaanka lala wadaago hadii ay suurtagasho toddobaadka soo socdo.
Mr. Kenneth ayaa sheegay in tani ay meesha ka saarayso waxyaabaha aan saxda ahayn ee laga sheegayo warbixinta ee dadweynaha lagu marin habaabinaya.
Sidoo kale waxaa uu baaq u diray mas’uuliyiin horay sheegayay in dastuurka uusan dhamaystirneyn haddana sida uu hadalka u dhigay diiddan in afti loo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here