DHAGEYSO:Puntland oo dhaqan Galisay amaro ay dowlada dhexe soo saartay

Kadib Markii dhawaan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre uu ku dhawaaqay in mudo laba todobaad ah la hakiyo waxbarashada,isu imaatanka iyo dhamaan kulamada kale ee aan muhiimka ahayn ayuu Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ku dhawaaqay inay hakiyeen muddo kulamada Siyaasadeed iyo Goobaha la sigu yimaado ee deegaannada Maamulkaas sababo la xiriira ka hortaga Caabuqa Coronavirus sidoo kalena loo ilaaliyo faafitaankiisa.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amrey in la joojiyo Xafladaha,sida rooska, kuwa Farxada iyo dhamaan isu imaatinada,waxaana uu sidoo kale uu farey Xubnaha Golaha wasiirada ineysan qaban karin kulamo aan Muhiimad weyn lahayn.
Guud ahaan dadka ku nool deegaannada maamulka Puntland iyo masuuliyiinya maamulka ayuu ugu baaqay inay taxadir dheeraad ah muuujiyaan,waxaana uu Madaxweyne Deni ku dhawaaqay in muddo 15 Cisho ah la joojiyo Shaqooyinka Maamulka,waxbarashada iyo isu imaatinada dadka faraha badan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u joojisey duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya,kuwa ka baxa,shirarka,Goobaha la isugu yimaado,sidoo kalena waxay dowladdu fasaxdey Shaqaalaheeda iyo Xarumaha waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here