DHAGEYSO:Puntland oo dib u furtay Wadada isku xirta Garowe iyo Boosaaso oo ay Gooyeen Robabkii Guga.

Maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku guulaystay in ballanqaad uu sameeyay kaddib uu 24 saacadoodu gudahood dib ugu furo wadada u dhexeysa magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.
Wasiirka wasaaradda howlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta ee Puntland Axmad Bashiir ayaa sharaxaya howshan ay qabteen

 

Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland Maxamad Cabdiraxmaan ayaa darawaliinta baabuurta faray inaynan habeenkii adeegsan wadada sida ku meel gaarka ah loo dhisay.

 

Ku simaha madaxweynaha Puntland, ahna madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay dhismaha ku meel gaar ka ah ee dowladdu ku samaysay wadada halbowlaha ah ee isku xirta gobolada dalka.
Dhismaha wadada ayaa la dhamaystiray afar meelood oo wax yeelo xoog leh ay soo gaartay kaddib roobab xooggan oo da’ay.
Dib u dhiska wadada ayaa laga sameeyay inta u dhexeysa Garoowe, Sin-ujiif iyo Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal, iyadoona la fasaxay gaadiid badan oo dhowrkii maalmood ee u danbeeyay halkaasi ku xanibnaa.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu horayn waxa uu ammaan iyo mahadnaq u jeediyey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka oo ku guulaystey 24 sacadood inay ku furaan wadada, Shirkadaha iyo Shacabka ka qayb qaatay.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu soo dhoweeyay go’aan ay soo saareen guddigu oo ah in habeenkii gawarida la joojiyo, maadaama wadadu ay ka bur-burtay dhinacyada, taas oo khatar u keeni karta shacabka gawaarida ku safraya, waxaana uu guddiga kula dar-daarmay inay shaqada halkaasi kasii wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here