DHAGEYSO:Puntland oo digniin u dirtay dadka qaadka ka ganacsada

Ciidamada Booliska Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay qaad fara badan oo la doonayay in la galiyo gudaha magaalada Garoowe,kaasoo horey looga mamnuucay deegaanada maamulka Puntland si looga hortago Cudurka,iyadoo lagu gubey Goob fagaaro ah oo ku taalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Goobta lagu gubey jaadka( Qaadka) ayaa waxaa ku sugnaaka Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muxyadiin Axmed Muuse, Xubno katirsan garsoorka Puntland iyo laamaha ammaanka,kuwaasoo amaro Cusub kasoo saarey jaadka la keenayo deegaanada maamulka Puntland.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in jaadka uu kamid yahay waxyaabaha laga mamnuucey deegaannada Puntland,isla markaana sida Khamriga oo kale ay ula dagaalami doonaan.
Waxaa uu sheegay inay Ganaaxi doono sidoo kalena tallaabo Sharci ah ka qaadi doono Gaadiidka jaadka soo geliya deegaannada kala duwan ee Puntland,dadka ka Ganacsada iyo cid walba oo ku lug yeelata keenista Jaadka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono dumarka Kabarada khaadka fadhiyo sidoo kale la jajabin doono kabarada qaadka lagu iibiyo ee magaalooyinka Puuntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here