DHAGEYSO:Puntland oo hal kiis oo Covid 19 ah laga helay

Gudiga ka Hortaga Cudur Covid 19 ee Maamulka Puntland ayaa shaaciyay shalay Qafkii ugu horeeyay ee xanuunkaan laga helay.
Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Puntland ayaa xaqiijisay Kiiskaan wuxuuna sidoo kale Bulshada la wadaagay qodobo dhowr ah oo la doonayo inay Bulshadu ku dhaqanta si xanuunkaan ay kaga gashaantaan.
Puntland ayaa sidoo kale Sheegtay in 5 qof oo hor leh oo looga shakiyey Cudurka Covid19 islamarkaana la karantiiley baaritaanana lagu Samaynayo.
Qofka laga helay Corona Virus eek u sugan Puntland ayaa ah qof wali aan ka bixin degaanada maamulka Puntland sida u sheegay wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland.

gudiga ay dowlada dhexe ee Soomaaliya u Xilsaarta Xakamaynta iyo ka Hortaga cudurka Covid 19 oo warbixin soo saaray ayaa shacabka kaga digay inay xanuunkaan sahladaan waxayna ku waaniyeen inay xarumaha Caafimaadka sida ugu dhaqsiyaha badan ula Xiriiraan hadii ay isku arkaan Calaamadaha Cudurka la Xiriira.
Dr Maxamed Cali Fuje oo xubin ka ah gudiga Sare ee dowlada Soomaaliya u Xil saartay ka hortaga Cudurka Corona ayaa sheegay inay dhibatao weyn ka dhalinkarto hadii ay bulshada qarsato cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here