DHAGEYSO:Puntland oo Karaantiishay 10 Qof oo Soomaaliland ka yimid

Kadib markii shalay aya Soomaaliland ku dhawaaqday in deegaanadeeda lagu arkay labo qof oo qaba Caabuqa Coronavirus ayaa wasaarada Caafimaadka ee Maamulka Puntland waxay shaacisay inay Karaantiileen ilaa 10 qof oo ka soo galay dhanka Soomaaliland kuwaasoo markii hore dibadaha ka yimid.
Wasiirka Caafimaadka ee maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay inaysan ilaa iyo hada jirin wax kiis ah oo la xiriira cudurka Coronavirusa oo Puntland laga helay balse ay gacanta ku hayaan dad laga shakisan yahay oo baaritaan lagu sameeyay Natiijadoodana la sugayo.
Dadka 10-ka qof ah ee Puntland ka soo galay dhanka Soomaaliland ayuu sheegay in 8 ka mid ah ay u socdeen deeganada maamulak Galmudug halka Labana ay Puntland u socdeen isagoo xusay inay ku wareejinayaa masuuliyiinta Maamulka Galmudug si ay u sii karaantiilaan maadaama ay dibada ka imaadeen Soomaaliland oo caabuqa lagu arkayna ay soo mareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here