DHAGEYSO:Puntland oo sharci daro ku tilmaamtay Xil ka qaadidii Ra’isul wasaare Khayre

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid C/laahi Deni oo warbahainta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sharci daro ku Tilmaamay habkii loo maray Xilka Qaadistii lagu Sameeyay Ra’isulwasaarihii Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo Xukuumadisii oo Baarlamaanku Kalsoonida kala noqdeen Maalinkii Sabtida ee ina dhaaftay.
Madaweyne Deni wuxuu sheegay inay Talaabadaasi ka soo hor jeeday dhamaan sharuucda dalka u taal,wuxuuna dhanka kale Madaxeynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ku xadgudbay qodobo Dastuuri ah.
Isagoo sidoo kale Sheegay inay dhamaan Talaabooyinkaasi ula Muuqdaan kuwo lagu xaqal daacinayo qodobadii ka soo baxay shirkii dhuusamareeb ay ku yeesheen Madaxda Maamulada iyo kuwa dowlada Dhexe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in marxalada hada Soomaaliya ku sugan tahay aysan ahayn R’isulwasaare tagay iyo mid imaanayo oo loo xusul duubayo qofka badalaya balse ay sidaas ka duwan tahay.
Wuxuu ugu baaqay shacabka,siyaasiinta iyo masuuliyiinta dowlada in talo balaadhan la galiyo arimaha dalka si wax badan oo qabto ayna u sii socdaan howlaha muhiimka ah ee lagu talaabsaday Sanooyinkii la soo dhaafay oo ay ugu horayso la macaamilka Hay’adaha Caalamiga ah iyo cafinta daymaha Mudada dheer Soomaaliya lagu lahaa hadana qorsheheedu Meel wanaagsan marayay.

Madaxweyne Deni ayaa ugu danbayntii beesha Caalamka Baaq u diray isagoo dhanka kale sheegay inuu ka raali galinayo Qaladaadka soo lalabta ee Siyaasiinta Soomaaliyeed ku Gacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here