DHAGEYSO:Puntland oo sheegtay inay Marakiib Sharci daro ah ka Kaluumaystaan Biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Faarax Cawaash oo shir warbaahinta ugu qabtay magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa sheegay inay Maraakiibs ahric daro ah kalluun ka gurtaan xeebaha Soomaaliya gaar ahaa deegaanada Maamulka Puntlan isagoo soo bandhigay tirada Maraakiibtaas iyo dalalka laga leeyahay.
Waxaa uu sheegay inay maraakiibtaan ka mid yihiin kuwo ku caan baxay kaluumeysiga sharci-darrada iyo gurashada kheyraadka ku jira Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa deegaanada Maamulka Puntland.
Ilaa 18 Markab ah oo laga leeyahay wadamada Iiraan, Hindiya iyo Pakistaan ayuu sheegay inay kalluumeysi sharci daro ah ka samaynayaan xeebaha Soomaaliya,isla markaana ay dacwad ka gudbiyeen sidoo kalena ay Ciidamo u direen Xeebaha deegaanada maamulka Puntland ee Maraakiibtasu soo gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here