DHAGEYSO:Puntland oo sheegtay inuu deegaanadeeda aad ugu faafayo cudurka Covid 19

Kaddib markii Masuuliyiinta dhanka Caafimaadka ee Maamulka Puntland ay sheegeen in deegaanada Maamulkaas uu si aad ah ugu sii faafayo Caabuqa Coronavirus ayaa waxay dhanka kale soo saareen qodobo iyo Awaamiir looga hortagayo faafitaanka cudurka ee Bulshada dhexdeeda ah.
Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland C/laahi Cali Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay todobaadyadii la soo dhaafay Kordheen tirada Xaaladaha Cudurka Covid 19 ee laga Helay deegaanada Puntland.
Wasiirka ayaa Xusay in si loo xakameeyo faafitaanka cudurka ay xaalad deg deg ah la galiyay dhamaan deegaanada Maamulka Puntland dibna loo dhigay imtixaanaadkii la qorsheeyay sidoo kalena la mamnuucay isu imaatina faraha badan ee bulshada balse Kali ah la ogol yahay inay Dugsiyada Quraanka dhigtaan ardayda 10 sano ka Yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here