DHAGEYSO:Puntland oo sheegtay qorshahooda Shirka Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa sheegay inay shirka bartamaha bishaan lagu wado inuu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ay dowlada Dhexe kula Xisaabtami doonaan.
15-ka Bishaan ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ay kulan looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ku yeeshaan Madaxda Sare ee Dowladda dhexe ee Soomaaliya & Dowlad Goboleedyada,waxaana Puntland ay sheegtay in shirkaasi ay la tageyso qorshooyin Cusub ayadoo dhanka kalena markasta Muhiimada koobaad la siinayo danaha dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo qabsmoomida shirkaas,isla markaana dadka iyo dalka Soomaaliya waxyaabo dan u ah ay kasoo bixi doonaan hadii hogaamiyeyaasha Kulmaya ka fakaraan aayaha wadanka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in shirarkii horay uga dhacay Magaalada Dhuusamareeb ay la tageen Niyad wanaag, hayeeshee shirka soo socda ay la tegi doonaan la xisaabtanka Madaxda Sare ee Dowladda dhexe maadaama sida uu sheegay Madaxda Sare ay ka baxeen wayxaabo badan ay ku heshiiyeen Kulankii Hore.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Gaalkacyo uga qeybgalay munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii Puntland, ayaa ka hadlay arrimo kamid ahaayeen xaalada Amni ee Puntland, tan siyaasadeed ee dalka Soomaaliya oo dhan iyo isbedeladii dhacay.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Aas’aaskii Maamulka Puntland uu horseed u noqday Dowladdnimadii dhaawacu gaaray 90-kii soo kabashadeedii iyo hiigsiga maanta ee shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Puntland gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, guulo ay kamid yihiin,Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee dhanka maaliyadda.
Isagoo ka hadlayay xaalada Siyaasadeed ee Soomalaiya ayuu Madaxweyne Deni ka digay hab-dhaqanka sharci jebinta ah oo uu sheegay inay u danbeysay tii Golaha adeegga ee Garsoorka oo dhismihiisa iyadoon qaab sharci ah loo marin, cidna lagala tashan ay xukuumadda sida KMG ah xilka u haysa ansixisay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhawaan kasoo horjeestay riditaankii Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isaga oo sheegay in looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo Shirka Magaalada Dhuusamareeb wuxuuna Tilmaamay in Jiritaanka dowlada Dhexe ee Soomaaliya oo lagama maarmaan u yahay dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, isagoo ka digay in wadanka dib loogu celiyo waxkasta oo dhibaato keeni kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here