DHAGEYSO:Qaabka loo soo xulay xildhibaanada Hirshabeelle oo la dhaliilay

Kaddib Markii Dhawaan la soo bandhigay liiska Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Maamul goboleedka Hir-Shabeelle, ayaa Soo baxaya warar sheegaya in qaabka xulista xildhibaannada la musuq maasuqay, isla markaana lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo Maamulka Hir-Shabeelle.
Laba dhinac ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen xulista Baarlamaanka Hir-Shabelele, Dowlada dhexe ee Soomaaliya Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle sida eedaymaha lagu sheegay.
Cabdiraxmaan Diini oo ah falanqeeye Siyaasadeed kana mid ahaa Xubnihii ku sugnaa Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle xilliga lagu dhawaaqayay Baarlamaanka cusub ee Hir-Shabeelle ayaa Xili uu warbahainta Soomaaliya la hadlayay wuxuu sharaxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen ama uu u arko.

Wararka ka imaanaaya isla deegaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa waxay sheegayaan in Maalmihii la soo dhaafay degaano & degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe lagu arkay Ayax farabadan,oo baabi’iyay dalagyada beeraha halkaas ku yaalay.
Meelaha ugu daran ee Ayaxa lagu arkay ayaa waxaa kamid ah Degmooyinka Ceelbaraf, Aadan-Yabaal iyo Mahadaay iyo degaano hoostaga, waxaana Ayaxa qaylo dhaan ka soo saarayd adka beeralayda iyo xoolo dhaqatada ah ee ku nool gobolka Shabeellaha dhexe.
mid kamid ah Beeraleyda ku nool tuulooyin u dhow degmada Ceelbaraf ayaa sheegay in dalagyada Beero dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe uu baabi’iyay Ayaxa, isla markaana tuulooyin kale uu kusii fiday.
Waxaa uu Xusay in Ayaxa uu gobolka Shabeellaha Dhexe uga yimid degaano kale, isagoo ugu baaqay Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle inay waxka qabtaan dhibaatadaan ay wajahayaan Xoola dhaqatada iyo beeraleeyda Gobolka shabeellada dhexe.
Horay Ayaxa ayaa waxaa uu ku habsaday Beero ku yaalla degaano ka tirsan Maamulada, Puntland, galmudug iyo degaano kale, waxaana halkaasi buufinta Ayaxa ka bilaabay diyaarado ay keeneen Hay’adaha FAO iyo USAID oo kaashanaya Wasaarada Beeraha iyo Waraabka dowlada Fedraalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here