DHAGEYSO:Qaar ka mid ah ardayda oo maanta dib ugu laabanaya dugsiyada

Waxaa maanta markii ugu horeysay tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sanadkan dib loo furayaa qaybo ka mid ah dugsiyada dalka.
Ardayda dhigata fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo fasalka afaraad ee dugsiyada sare ayaa casharadooda dib u billaabanaya.
Toddobaadkii hore ayay wasaaradda tacliinta qorshahan shaaca ka qaadday in kastoo qaar ka mid ah waalidiinta ay cabasho ka muujinayaan inaan la siin muddo ku filan oo ay ku diyaarin karaan carruurtooda.

Sido kale waxaa jiro dacwado loo gudbiyay maxkamadaha dalka oo looga soo horjeedo qorshaha dowladda waxayna maxkamadda sare sheegtay inaan dugsiyada la furin karin ilaa iyo inta si buuxda looga dhaqangelinaya tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID19.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa qoraal ay dhawaan soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twittarka ardayda u rajeysay inay si habsami leh dugsiyada ugu laabtaan.
Wasaaradda tacliinta ayaa muujisay kalsooni ah in macallimiinta iyo waalidiinta ay sameyn doonaan wax kasta oo ay awoodaan si loo xaqiijiyo u hoggaansanka amarrada lagula dagaalamaya fayraska corona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here